Isbadal siyaasadeed oo weyn, Raiisel wasaaraha Kanada Justin Trudeau ayaa ku dhawaaqay bishii Maarso in Kanada ayna qaadanayn magangalyo-doonka isku daya inay kasoo gudbaan xuduuda Mareykanka. Go’aanka ayaa la sheegay inuu yahay talaabo ilaalin ah oo ka dhan ah gudbinta COVID-19. Juun 16, amarkan ayaa lagu kordhiyey bil kale, illaa ugu yaraan Luulyo 21.
Haddii magangelyo-dooneyaasha ay soo gaaraan xadka ka hor July 21 oo ay la xiriiraan Booliska Canadian Mounted Police, waxay halis ugu jiraan in loo wareejiyo ICE ee Mareykanka, oo loo diro xarumaha dadka lagu xiro. Halkaas oo laga musaafurin karo.
Ilaa iyo bishii Maarso tiro yar oo magangalyo-doon ah – oo ubadan Haitians – ayaa runtii dib loogu soo celiyey xadka, waxaa kaloo laga soo celiyay jidka caanka ah ee loo yaqaan Jidka Roxham Road ee New York, oo ku yaala shan mayl marka laga soo gudbayo xadka rasmiga ah ee ugu dhow. Mas’uuliyiintii hore waxay u oggolaadeen magangalyo-doonka inay ka gudbaan Roxham Road, iyo sidoo kale Dekadaha laga soo galo, sida Niagara Falls iyo Champlain – St. Bernard de Lacolle.
Sanadihii la soo dhaafay, inta ugu badan muwaadiniinta Afrikaanka ah ee magangalyo weydiista Kanada waxay ka yimaadeen Nigeria, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Suudaan, Ereteriya, Angola, iyo Burundi. Waxaa cad in in magangalyo-dooneyaashu bilaabeen inay qiimeeyaan faa’iidooyinka ugu jira inay katagaan Maine oo aadaan Kanada sanadkii 2017, markii hadalada ka dhanka ah soogalootiga ee maamulka hada jira ay cadeeyeen in nidaamka magangalyada Mareykanka uuna shaqaynayn. Qaar ka mid ah magangalyo-doonka yimid Maine xagaaga 2019 ee ka yimi xadka koonfureed ayaa sii watay socdaalkoodii ay ugu socdeen Kanada kuwaasoo kabaxay Portland wakhtigaas.