Safiya Khalid, waxay utartameysaa Gudiga magaalada Lewiston ee Gobolka Maine qaybteeda koowaad ama Word 1. “Hadal kuma soo koobi karo wanaaga magaalda Lewiston oo dhan”. Waan jeclahay Lewiston”.Waxaan dareemayaa rajo wanaagsan mustaqbalka. Waxaan jeclahay in aan arko magaalada Lewiston in ay noqoto meel amni ah, qurux badan, iyo meel lagu soo dhoweeyo shakhsiyo kla duwan, waxaan rajeynayaa in ay magaaladu noqoto meel dhaqalaheedu uu sareeyo.
Khalid ayaa ku ordeysaa sadax arimood, baahida loo qabo guryo raqiis ah oo aan lahayn sunta Lead. In loo badiyo dhaqaalaha dugisyada wax barashada, iyo in lahelo dad kala duwan oo soo gala meelaha looga arimiyo magaalada. Dadka wata caruurta yar yar kuwaasoo kunool guryo leh suntan lead-ka badanaa ma oga waxa ay dhibaatada suntani tahay, Mulkilayaasha guryuhu badanaa uma sheegaan waxa jira. Waxay xaq uleeyihiin in ay ogaaadaan. Khalid waxay tiri, wakhtigan la joogo waxaa horyaala baarlamaanka sharciyo khuseeya arintan.
Waxay ka walwal santahay marka ay ka fikirto wanaaga Dugsiyada Magaalada Lewiston taasoo ay keentay culays ay macalimiintu isa saareen iyaga oo soo gata qalabka ay uga baahanyihiin fasalkooda. Ardeyda aay wax baraan oo aad ubadan, halkii fasal waxaa kujira 30-35 arday macalinkana waxa looga fadhiyaa inuu ka bixiyo xiisado badan fasalkaas. Waxaa kaloo ay aaminsan tahay inay macalimiinta iyo gudiga magaalada si joogta ah ay u wada kulmaan si ay uga wada hadlaan inay ogaadaan codadka macaliimiinta.
Khalid maaha agabar kudhaltay Gobolka Maine, ogna inay la kulmi karto is hortaag badan, “waxaan ahay gabar Muslimad ah oo madow, waan ogsoonahay in ay dad badaan ku adkaan karto in ay ka indha saabtaan waxa aan qaban karo. Waligeed kama dhicin Magaalada Lewiston in qof anoo kala ah usoo istaago jagadaan oo kale”. Waxay ogtahay in ay muhiim tahay in maamulka Lewiston ay noqdaan dad isku dhaf ah. “Dadka waxay dareemayaan inay tahay muhiim hadii ay ka muuqdaan maamulkooda dad iyaga u eg”. Waxay tahay qof dad jecel, waxayna caawin jirtay dadka ilaa iyo yaraanteedii. Waxay jeceshahay in ay dadka isu keento, si ay umidayso dadka magaalada Lewiston oo dhan, ma’ahan in laga hadlo keliya Somalida, dadka madow, ama haweenka, waa in aan isu keeno umad oo dhan. Inkastoo gobolka Maine ay u badan yihiin dadka cadaanka ah, waxaan rabaa in la arko in ay Maine doorata gabar madow.
Khalid waxyaabaha ay kutaqasustay waxaa kamid ah, karaanimo oo ay ka ahayd gudiga shaqada iyo guryaha, waxaay xubin ka tahay gudiga ugu sareeya xisbiga demuquraadiga ee gobolka Maine, waxay kuxigeen ka ahayd gudigaas ilaa iyo 2017. Waxay qaadatay tababarka Emerge Maine, iyo guriga Gobolka Maine looga arimiya, waxay haysataa shahaado cilmiga maskaxda. Waxay timid America kadib markay k asoo baxeen xerada qaxootiga, waxayna asal ahaan katimi dalka Somaliya iyada oo da’deedu yar tahay. Wax yar ayay joogeen gobolka New Jersey kadib waxaay usoo guureen gobolka Maine ayada iyo qoyskeedaba. Halkaan oo ay degenayd ilaa iyo hada. Si aad ula socoto ololaha kahlid la’xariir bogeeda facebook ee Safiya for Council.




