Gudoomiyaha magaalada Nairobi ayaa lagu eedeeyay musuqmaasuq
Matusaale ayay utahay qaarada?

Jimcihii, Diseembar 6 warbaahinta Afrika ayaa jebisay sheekada ah in Mike Sonko, oo ah gudoomiyaha magaalada caasimada ah ee Nairobi, loo xiray eedeymo musuqmaasuq, arintan oo si cad u tusinaysa balanqaadkii madaxweyne Uhuru Kenyatta ee balanqaadkii doorashadii qaybtii labaad ee 2017 ee ahaa inuu tirtirayo musuqmaasuqa heer kasta oo dowladda haba kadhecee. Guddomiyaha Sonko ayaa lagu eedeeyey inuu u isticmaalay si shakhsi ahaan ah $ 3.5 bilyan oo ka mid ah lacagaha dowladda ee loogu talagalay adeegyada. Qabashada siyaasiga heerka sare ah waa wax aan caadi aheyn qaarada Afrika, halkaas oo musuqmaasuq uu ku baahay madaxda sare ee dowlada.
Hay’adda Transparency International, oo ah hay’ad diiradda saarta la-dagaallanka musuqmaasuqa, Kenya waxay galisay kaalinta 144 ee 180 waddan. BBC ayaa soo werisay in tan iyo markii xornimada Kenya laga qaatay Ingiriiska sanadkii 1964, Kenya laga yaabo inay musuq maasuq ka lunto $ 66 bilyan. Bishii Febraayo 2019, BBC-da iyo warbaahinta kale ee ka hawlgasha ayaa soo sheegay in Kenya ay $ 210 milyan ku bixisay biyo-xireenno iyo biyo-dhaaminta weligood aan la dhisin. Maxkamad laxiriirta fadeexadan musuqmaasuq ayaa wali socota.
Dhibaatada Kenya ee musuqmaasaqa ku jira dowladda ma ahan mid gaar ah. Daraasad Midowga Afrika 2002, oo si weyn loo tixraacay, oo ay ku jiraan Golaha Xiriirka Dibadda, waxay ku qiyaaseen in musuq-maasuqa qaaradda uu qiyaastii ku kaco $ 150 bilyan sannad kasta. Musuqmaasuqa ayaa in muddo ahba lala xiriiriyay horumarinta dhaqaalaha daciifka ah ee Afrika.
Angola, Burundi, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, Soomaaliya, Suudaan, Koonfurta Suudaan, iyo Jamhuuriyadda Koongo ayaa ka mid ah waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka, sida lagu sheegay Index-ka laguqoro aragtida Musuq-maasuqa, oo ay daabacday Transparency International. Maine waxay hoy u tahay soogalooti badan oo ka yimid wadamadan. Aqoonyahanada waxay cadeeyeen musuqmaasuqa iyo cunsuriyadda inuu yahay waxa sababa u haajiridda wadamada musuqmaasuqa yar. Mareykanka wuxuu kujiraa 22 kamid ah 180-ka wadan ee heerka musuqmaasuqa, oo wuxuu ka dambeeyaa Faransiiska. Danmark waxay ku jirtaa dalka ugu musuqmaasuqa yar adduunka.

13 askari oo Faransiis ah ayaa ku dhintay SAHEL
Gobol aad u ballaaran ayaa dhakhso u noqonaya hoyga argagixisada Afrika.

13-askari oo Faransiis ah ayaa ku dhintay shil helikobtar 26-dii Nofeembar iyaga oo la dagaallamaya kooxaha argaggixisada Islaamiga ah kuwaasoo meel ay kudhuuntaan ka helay gobolka Sahel ee dalka Maali. Inka badan 4,500 oo askarta oo Faransiis ah ayaa ka howlgalaya Mali iyo wadamo kale oo ka tirsan gobolka Sahel. Sahel waa aag inta badan lagu tilmaamo suunka u dhexeeya Sahara ee waqooyiga iyo Saxaraha ka hooseeya Afrika. Mali, Burkina Faso, Niger, Chad, iyo Mauritania waxay sameeyeen Isbahaysiga G5 Sahel si ay ula dagaallamaan argagixisada ugana wada shaqeeyaan hadafyo kale oo ay wadaagaan.
Kadib afgambi militari oo xukunka lagaga tuuray madaxweynahii Mali Amado Toumani Toure sanadkii 2012, Boqortooyadii qadiimiga ahayd ee Mali waxay gashay jahwareer. Gobolka, oo mar horeba la il darnaa xasillooni darro, ayaa sii kala qaybsamay iyada oo kooxaha argaggixisada hubaysan ay dileen ama barakiciyeen malaayiin qof.
Waxa ku xiga Mali waa Burkina Faso, oo sidoo kale hooy u ah kooxaha argagixisada, sida ay sheegtay BBC. Kooxahan waxaa ka mid ah Dawladda Islaamka (IS) iyo laan al-Qaacida oo loo yaqaan Jamaat Nusrat al-Islam wal-Muslimin (JNIM). In kabadan 500 oo qof ayaa la diley, 500,000 oo qofna waxay ku barakeceen wadanka gudihiisa taasoo ay sababeen weerarada jihaadiyiinta illaa iyo sanadkii 2015.
Dawladda Islaamiga ahi waxay ka hawlgashaa Mali, Nigeria, Niger iyo Burkina Faso. Nigeria waxaa kajira Boko Haram, oo ah koox argagixiso ah oo la yaqaan inay dishay dad ayna afduubtay ardayda gabdhaha ah ee Nigeria, Chad iyo Cameron. Afar askari oo Mareykan ah ayaa ku dhintay weerar gaadmo ah oo ka dhacay dalka Niger kaasoo ay gaysteen Wilaayada Islaamiga.
Qoraaga ayaa u safray dalka Chad wuxuuna ka soo shaqeeyay xadka u dhexeeya Nigeria iyo Niger, halkaas oo xeryo badan oo qaxooti ah ay ku noolyihiin dad ka soo barakacay howlaha kooxaha argagixisada. Qaxootigan waxay muujinayaan rajo la’aanta ku saabsan goorta dhibaatooyinkii ay geysteen kooxaha argaggixisada ay dhamaan doonaan. Qaxooti badan oo xeryaha ku jira ayaa waayay nimankooda, xaasaskooda, ama caruur ka hor inta aysan ka cararin guryahooda. Kooxo argaggixiso ah ayaa inta badan ugaarsada magaalooyinka waaweyn sida Chad’s Nd’jamena, halkaas oo bambooyin ay ku ridaan goobaha dadku ku badan yahay.