Marka loo eego sharciga federaalka, dadka aan ahayn muwaadiniinta Mareykanka, laakiin u diiwaan gashan inay codeeyaan AMA ka codeeyaan doorasho kasta oo Mareykanka ah (ay ku jiraan doorashooyinka maxalliga, gobolka, iyo federaalka) waa la masaafurin karaa. Sharcigu uma cudur daarayo dadka aan muwaadiniinta ahayn ee khalad u fahmey sharciyada xaq u yeelashada, ama kuwa kale loo sheegay ama ku caawiyay inay isdiiwaangeliyaan ama codeeyaan. Xataa waxay khusaysaa kuwa ku guulaystay imtixaankii muwaadinimo iyo waraysigii balse aan weli loo dhaarin inay yihiin muwaadiniin Maraykan ah.