Waxaa qoray Kathreen Harrison
Warsan Shire: “Cidna gurigeeda kama tagteen ilaa ay qabsato arin dhib badan oo ku qasabta inuu kaqaxo guriga”.

Moving out of the Expo Photo | KGH

Qaar ka mid ah waxyaalihii aan ka baranay tababarkii dhaqanka ee lagu qabtay xaruta Gateway ee Portland Sabtidii bisha Agoosto ahayd 10 ayaa waxaa ka mid ahaa in wadanka Kongo qofka hadii larabo in loo sheego in uu warkiisii batay loogu sheegi karo iyadoo la adeegsan gacmaha. Qofka u sheegaya ayaa wuxuu isdulsaari labada gacmood. Sidoo kale hadii qof kugu soo aadiyo farta dhexe waxaa laga wadaa waa caytan. Tababarkaas oo socday laba saacadood waxaa loogu tala galay in lagu diyaariyo qoysaska horay wax u martigaliyay iyo kuwa ku fakaraya inay martigaliyaan magandoonayaasha. Barnaamijkaas soodiyaarintiisa waxaa iska kaashaday sadexda hay’adood oo lakala yiraahdo Family Promise of Greater Portland, Catholic Charities Refugee and Immigration Services, and Yarmouth Housing Initiative.
Dhismaha Expo ayaa laga joojiyay in la dajiyo dadka cusb ee magangalyo raadiska ah laga bilaabo August 10. Dadka cusub oo yimaada magaalada Portland wixii ka dambeeya taariikhdaas ayaa loo gudbinayaa hoyga qooysaska. Jessica Grondin, oo ah Agaasimaha Isgaarsiinta Magaalada Portland ayaa sheegtay in hoyga loogu talagalay qoysaska uu buuxsamay dadka cusub ee yimaadana loo raadin doono meelo kale. Magangalyo-doonayaasha hada dagan guriga ladhoho Expo ayaa loo qabtay taariikh guuritaan oo kamadambeys ah taasoo ah bisha August 15 keeda sida uu qorayo qandaraanskii lagu hishiiyay.
Si loo helo guryaha dadka lacagta yar ay awoodi karaan inay dagaan ayaa aad u dhib badnaatay gobolka Miane. Tobabarayaashii soo bandhigayay macluumaadka ayaa sharaxay in dad badan aanay haysan meel ay seexdaan. Hoyga loogu talagaly in ay ku noolaadaan dadka aan guryaha haysan ayaa buuxsamay meelna waa loo la’yahay dadka illaa iyo afartii sano ee udambeysay. Si kastaba ha noqotee, hoyga inkasta oo uu buux-dhaaf yahay hadana waxaa la heli karaa oo keliya habeenkii, dadkuna waxa kaliya oo ay heli karaan waa in ay kuseexdaan sijaayad kaliya taasoo taala hoolka guriga la yiraahdo Salvation Army. Tani waa duruuf nololeed ku adag qof kasta, iskaba daa qoys leh caruur yaryar.
Dana Totman, Madaxweynaha guryaha Avesta Housing, ayaa sheegay in ay adag tahay sidii loogu heli lahaa xal muddo-dheer shaqaaya oo yareeya caqabadaba guryo la’aanta ee haysata dadka magan-galyo raadiska ah. Waxaan haynaa in kabadan 2000 oo qof oo kujira liiska sugitaanka guryaha. Haddii ay fududaan lahayd guryo laga helo magaalooyinka deriska ah ma aanaan haysaneen liiskaan 2000 oo qof ah. Xaaladdaani waxay ku tusinaysaa dhibaato jirta oo ah guryo la’aan oo kajirta gobolkan Maine. ”
Dadka ka kala yimid dhammaan gobolka Maine ayaa ukacay baaqa ah in loo raadiyo dadka magan-galyo doonka ah hoy ammaan ah, oo ku meel gaar ah. Dadkani waxay ogolaadeen inay marti galiyaan qoysaskan cusub.
Laga soo bilaabo Kennebunkport illaa iyo Fort Kent, qoysaska raba inay wax martigaliyaan ayaa is diiwaan galiyay. Magaalooyinka iyaguna raba inay kaqayb qaataan soodhawayntan ayaa waxaa ka mida ah: Arrowsic, Auburn, Avon, Bingham, Blue Hill, Brunswick, Cape Elizabeth, Cape Neddick, China, Cumberland Foreside, Falmouth, Fort Kent, Freeport, Gardiner, Gorham, Gray, Hallowell, Holden , Kennebunkport, Lincolnville, New Harbor, North Yarmouth, Portland, Pownal, Saco, Scarborough, Sedgwick, South China, South Portland, Westbrook, iyo Yarmouth.
Markii Kristina Egan, taasoo ah Maareeyaha Fulinta ee Golaha Sare ee Portland Council of Governments (GPCOG), ayaa sheegay in ay jiraan dad badan oo magan-galyo doon ah oo imanaya gobolka Maine xilliga xagaaga, waxay si farxad leh iskugu dabarideen isbahaysi ururro ku saleysan diin iyo cilmaani, oo hadafkeedu yahay sidii loo heli lahaa guryo ku meel gaar ah oo loogu talagalay mudada u dhexeeysa marka guriga Expo ay ka guuraan qaxootigani illaa iyo inta lafurayo guryaha xagaaga.
Isbahaysigu wuxuu sameeyay barnaamijka qoyska martida loo yahay. Hoggaamiyeyaasha guud ee dadka soogalootiga ah ayaa ayaguna ku lug lahaa isbahaysiga illaa iyo bilowgii, hoggaamiyeyaashaasna waxay ku taliyeen in haddii larabo inuu guulaysto barnaamijka marti-galintu in latobabaro labada dhinacba. Kalfadhigii dhacay Sabtida ayaa ahaa tababarkii ugu horreeyay ee dhaqanka ee lasiiyay dadka wax martigalinaya. Qoysaska magangalyo-doonka ah ayaa iyaguna bilaabay tababar inta ay wali guurin ee ay kunool yihiiin guriga Expo.
Dadka kasoo qaybgalay tababarka ayaa waxay waydiiyeen su’aalo iyagoo si’aad ah u raba inay bartaan waxkasta oo karaankooda ah si ay si wanaagsan ugu soo dhoweeyaan martidooda. Mawduucyada ay su’aalaha ka qabeen way farabadnaayeen laga soo bilaabo sida loo rabeeyo xayawaanka, sida loo diyaarioy cuntada, qaabka loo isticmaalo isgaarsiinta baabuurta, illaa iyo qaabka korinta ilmaha iyo waalidnimada. Waxaa ka soo qayb galay kudhawaad 80 qof oo iskugu jira dad waawayn iyo caruurba. Waxaa sidoo kale kasoo qaybgalay dadka kacaawiya fahanka dhaqamada kuwaas oo kasoo jeeda bulshada soo galootiga ah ee mudadda kunoolaa wadankan. Dadkaas shaqadoodu waa inay caawiyaan oo udhexeeyaan dadka kala dhaqanka duwan ee kuwada nool gobolkan. Waa kuwo khibrad u leh sida loola qabsado wadan aad ku cusb tahay. Waxay kaloo caawiyeen dadka wax marti galindoona si’ay u gutaan waajibaadkooda ah martigelinta
  In kasta oo markii laraadinayay qoysas wax marti galiya, raadintu ay diirada saartay magaalooyinka, hadana qoysas badan ayaa ladajiyay meelo fog fog iyo meelo miyiga ah. Mr. Ly wuxuu tilmaamay in deegaanka reer miyiga ama duurka dhirta ee gobolka Maine uu kaduwan yahay miyiga afrika. Afrika dhulka miyiga ah wuxuu leeyahay xayawaan laga baqo oo wax cuna. Sidoo kale qoxootigan intii ay ku guda jireen safarkoodii ay ku yimaadeen maraykanka waxay soo mareen duurka la yiraahdo Amazon kaasoo isaguna leh dhul miyi ah oo laga cabsado. Sidaa daraadeed dadkan soogalootiga ah ee cusub waxay ubaahan yihiin inay fahmaan in miyiga gobolka Maine uu kaduwan yahay oo uuna yahay mid amaan ah oo aan lahayn xayawaan laga baqo.
Talada muhiimka ah ee ay bixiyeen dhamaanba dadkii bixinayay tobabarka ayaa ahaa in laxasuusin dhibaatadii ay soo mareen dadkan magan-galyo doonka ah. Sara Ewing-Merrill oo ka socota hay’ada layiraahdo Family Promise ee kashaqaysa magaalada Portland ayaa tiri “hadiiba ay soo mareen safar intaa le’eg dabcan waxay ubaahan yihiin kasoo kabasho wayn. Courtney Tabor oo iyaduna ka shaqaysa isla hay’adaas ayaa ku waafaqday arintaas oo intaana raacisay in dadkani ay soo mareen dhibaato wayn intay kujireen safarkooda iyo xataa wadankoodii markay joogeen. Dadka wax martigalinaya waa inay kafogaadaan su’aalaha kusaabsan safarkooda. Sababaha ay ugasoo carareen wadankooda, iyo xaalka ay kusugan yihiin dadkii ay kaga soo tageen wadankoodii. Waa inay martida qadariyaan oo u ogolaadaan inay sheegaan sheekada inta ay doonayaa.
Carla Hunt ayaa tiri “waa arin aad u argagax badan in qofkii uu dib uga sheekeeyo dhibaatadii uu soo maray. Waxaan isku dayayno waa inaan siino amaan. Hadii martidaadu kula wadaagto sheekadooda iska dhagayso hadii ay kuu sheegaan sheeko iyagoo kugu kalsoon waa inaadan lawadaagin cid kale. Sheekooyinkooda ma aha inaan cidna lawadaagno gaar ahaan warbaahinta. Hadii sheekooyinka dadkan magan-galyo raadiska ah laga maqlo meelo kale ama loo sheego warbaahinta, waxaa laga yaabaa in la isticmaalo macluumaadkaas. Hadii si khalad ah loo tabiyana waxaaba laga yaabaa inay saamayso qofka sharci raadintiisii oo loo diido sharciga.
Inkastoo dadka magan-galyo raadiska ah ay kujoogaan dalkan maraykanka si sharci ah hadana wali may gaarin heerkii ay buuxsan lahaayeen dalabka magan-galyo raadiska. Sida laga soo tabiyay Julia Brown, Esq, oo ah lawyer caawiya dadka soo galootiga ah kana shaqeeya hay’ada loo yaqaano Immigrant Legal Advocacy Project (ILAP), gabi ahaan dadka magan-galyo doonka ah ee kunoolaa guriga Expo waxay sugayaan in waraaqahooda la galiyo nidaamka maxkamadaha. Inta arintaasi ka dhacaysana ma awoodaan inay xaraystaan waraaqaha magan-galyo doonka. Kadib markay buuxiyaan waraaqaha magan-galyo doonka, hadana waa inay sugaan 150 maalmood kahor intaan loo ogolaan inay bilaabaan shaqo.
Intaa waxaa sii dheer in dadkan magan-galyo doonka ah laga rabay inay geeyaan waraaqihii lasoo siiyay markay kasoo gudbeen xuduuda maxkamad kutaala Boston. Taasi ma aanay dhicin. Marka kuwa kunool gobolkan Maine waxay ku qasban yihiin inay maxkamada udiraan cinwaan cusub oo ay dageen si loogu soo diro balanta maxkamada. Markaa Kadib waa inay buuxiyaan dalab kale oo ladhoho “motion to change venue” oo ay u diraan maxkamada socdaalka ee kutaala Boston hadii arjigooda horay loogu hagaajin maxkada qaabilsan ee saxda ah. Qoysaska kunool dhismaha Expo xiligan lajoogo intooda badan waxay marayaan marxalada cinwaan badalashada walina ma aysan galin nidaamka. Taasina macnaheedu waa inaanay haysan maalin ay tagi karaan maxkamada Boston islamarkaana ma buuxin karaan arjiga magan-galyo doonista. Hay’ada layiraaho ILAP ayaa lasocota qaab sharciyeedka arinta dadka soogalootiga ah.
Tobabarkii dhacay sabtidii kaasoo uu ka hadlay Baba Ly, oo una shaqeeya hay’ada Catholic Charities Refugee and Immigration Services. Baba ayaa tusay dadwaynihii qaab ay kufahmi karaan martigalinta dadka cusub. Dadkii ayaa lakala qaybiyay oo qayb iska dhigtay kuwa marti doonka ah. Dadkii ayaa uga qayb qaatay sixiisa leh. Kadibma Mr Ly wuxuu soogaba gabeeyay isdhexgalgii wuxuuna lawadaagay dadka qaar ka mid ah dhaqan kiisa.
Mr Ly wuxuu yiri “wadanka maraykanka marka qof uu isbarayo dadka wuxuu ka sheekeeyaa shaqada uu qabto taasna ma aha wax dhaqamada oo dhan ay ka siman yihiin. Wuxuu ku waaniyay dadka wax marti galinaya inay la xiriiraan qofka lagu qoray ee ah caawiyaha xaga dhaqanka mar walba oo ay baahi jirto. Wuxuu guud ahaan ka hadlay calaaqada ladhisayo sida ay muhiim utahay waana mid ku imaanaysa iyadoo la isticmaalo naxariis furfurnaan iyo in qofku uu sameeyo baaritaan ugaar ah oo kusaabsan dhaqanka dadkan soo galootiga ah. Wuxuuna xasuusiyay dadkii dhagaysanayay in ay joogaan meel awood oo aanay layaanbin hadii qofka martida u ah uu wax walba dhoho “haa” oo kayeelo.
Nsiona Nguizani oo u ah caawiye xaga dhaqanka ee magaalada Brunswick ayaa yiri “way ku adagtahay dadka martida ah inay dhahaan maya wixii lawaydiisto sababtuna waa xaalada ay ku jiraan. Wuxuu markale kuceliyay arintii uu ka hadlay Ms Hunt oo kusaabsanayd warbaahinta. “dad ka qaar ayaa isku dayaya inay ka fogaadaan in la arko si’aan wax loo yeelin ehelkoodii ay kasoo tageen. Qaarkale ayaa iyaguna doonayn in loo arko inay kujiraan xaalad adag. In badan oo kamid ah dadkan ayaa soo hayn jiray jagooyin sar sare wadankoodii wayna adagthay inay aqbalaan inay hada yihiin dad guri la’aan ah”
Lu Samuel K. Kuanzambi, kaasoo ah horseede dhaqameedka bulshada Congo ee kunool gobolka maine oo loosoo gaabiyo CocoMaine ayaa lawadaagay waxyaalaha isbadalka qoyska ku dhacay markay kasoo guureen Africa oo ay usoo guureen wadanka maraykanka. Wuxuu sheegay in Africa ninka uu ka ahaa masuul wax walba. Halkan ilmihii iyo dumarkii ayaa leh xuquuq. cid dadkan usoo tobabartay isbadalkaas majirto. Wuxuuna sheegay in laqabsiga isbadalkaasi uu qaadanayo waqti xoogaa ah.
Dadkii kasoo qayb galay tobabarka ayaa sheegay sababo kala duwan oo ay u aqbaleen inay marti galiyaan magan-galyo doonayaashan. Margaret Minister oo katimi Cumberland ayaa tiri” waxaan la qabsaday inaan lanoolaado dad badan hadana labadaydii ilmood way iga tageen oo waxay aadeen jaamacad marka dad waan martigalin karaa oo anaa ubaahan wehelka. Gerri Sauer and Russ Cowles oo ka yimi Durham ayaa iyaguna sheegay inay leeyihiin guriga qayb hoose oo loogu talagaly in lakireeyo waaxaanan is niri dadkan ayaa loogu talagalay. Waxay sheegtay in bishii August 10 keedii ay sugaayeen inay lakulaam Golaha iswaydaarsiga waxbarashada caalamiga ah oo loosoogaabiyo (CIEE), waana kuwa qaban qaabiya oo kusameeya baaritaan dadka buuxiyay arjiyada sheegayna inay awoodaan inay marti galiyaan qoysas. Waxayna uqaabileen si kafool kafool ah dhamaan dadka buuxiyay arjiyada ee kunool banaanka magaalada Portland. Marti galiyayaasha dhex dagan magaalada waxaa waraystay hogaamiyayaasha dadka soogalootiga ah. Si loo caawiyo dadka wax martigaliyay iyo kuwa martida ahba waxaa la diyaariyey mutadawiciin kacaawiya xaga isgaarsinta iyo cunto soo iibinta.
Jen McAdoo, oo ah maareeyaha fulinta ee hay’ada la dhoho Furniture Friends ayaa u mahad celisay dadkii soo qaban qaabiyay tobabarkaan waxay kaloo umahad naqday hogaamiyayaasha dadka soo galootiga iyo dadaadlka ay muujiyeen. Philip Walsh oo ah agaasimaha fulinta ee hay’ada la yiraahdo Maine Initiatives ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada ay sii yaan hay’adaha samafalka ee ay maamulaan hogaamiyayaasha dadka soo galootiga ah.
Mufalo Chitam, oo ah agaasimaha fulinta ee hay’ada layiraahdo Maine Immigrants’ Rights Coalition (MIRC), ayaa sheegtay in loo soo diray tilifoon taasoo loo sheegay in dad badan oo ka yimi Afrika oo magan-galyo doon ah ay imaan doonaan magaalada Portland. Illaa iyo intii aan maqlay warkaa kadib waxaa soo gaaray magaaladan 437 magan-galyo doonayaal.
Ms. McAdoo ayaa sheegtay in dad badan aay shaqaynayeen saacado badan si ay uhelaan qaabab lagu soo dhawayn karo dadka magan-falyo raadiska ah. Waxyaalihii ay sameeyeen waxaaka mid ah in ay abaabuleen mashruuca layiraahdo “mari galinta” kaasoo ah xal kumeel gaar ah.
Marwada la yiraahdo Chitam ayaa ka digtay oo tiri “barnaamijkan marti galinta oo sheegtay in shaqadiisu wali socoto. Waxay ka codsatay kasoo qayb galayaasha tobabarka inay la shaqeeyaan sidii loo heli lahaa ilo kahayraad oo kale” tobabarkii wuxuu ku dhamaaday si heer sare ah. Kasooqaybgalayaasha ayaa loo qaybiyay kooxo yaryar si ay isula wadaagaan wixii ay kabarteen tobabarka isla markaasna isu bartaan.