Waxaa qoray Georges Budagu Makoko

Dilka George Floyd 25-kii Maajo oo uu dilay sarkaal booliis Minisota ah wuxuu caddeyn u yahay xadgudubka loogysto dadka madowga oo ay ugaystaan sharci fuliyayaashu wuxuuna u diray mowjado naxdin leh Mareykanka iyo daafaha adduunka. Malaayiin ayaa sida daadka ugu soo baxay wadooyinka si ay ugu dalbadaan cadaalad Floyd, iyo sidoo kale in lahelo isbedel nidaam ah oo ah qaabka loola dhaqmo dadka madow ee Mareykanka, gaar ahaan laxiriirta fulinta sharciga, halka adeegsiga awooda aan loo baahneyn ay keentay dhimashada dad aad u badan. Dadka dhamaan daafaha dalka waxay codsadeen in siyaasado iyo habraacyo si deg deg ah loo hirgaliyo si loo hubiyo in si isku mid ah loola dhaqmo amaan na uu helo muwaadin kasta oo ku nool Mareykanka.

Maadaama aan ahay qof ku soo barbaaray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, halkaas oo tiro aan lasheegin oo dilal aad u xun ay ka dhaceen kaasoo ay gaysteen gacmo arxan laawayaasha ah, aad bay iigu xanuun badneyd inaan daawado fiidiyowga geerida George Floyd. Daawashada nin rajo la’aana, oo dhulka yaalla, oo murugaysan oo baryaya si’uu u badbaadiyo naftiisa, wuxuu ahaa mid aad u naxdin badan oo iga yaabisay doorka ay saraakiisha booliisku ay ula dhaqmaan bulshada madow. Muuqaalka sarkaal booliis ah oo jilibkiisa qoorta Floyd dhulk kula dhajiyay ma aha mid aan si fudud iskaga ilaawi karo. Xaqiiqda ah in saraakiil booliis ah ay caawiyeen askariga, hadana sida muuqata in dad kale ay goob joog u ahayeen dhimashada, oo ay ku boorinayaan askarta in ay u naxariistaan, iyagoo duubay fiidiyoowga dilista, ayaa ka sii murugooday. Ma jirin wax kiciyay dareenka saraakiisha. Anigoo ah nin madow oo wiil ku dhalay dalkaan, ma aanan helin ereyo aan ku sharraxo sida dilkani uu udhacay, iskaba daa sawirka weyn ee midab-takoorka ee dalka Mareykanka.

Marka nolol bini’aadam ay ku lunto gacmaha arxan laawayaasha iyo naxariis darada, murugada iyo naxdinta ay ugeysato dadka dhibanaha ah ee la jecelyahay waxay ka tagtaa xasuus xanuun badan oo weligood la noolaan doonta, iyagoo dhiiri galinaya su’aalo aan dhammaad laheyn oo ku saabsan sababta dadka qaarkiis ula dhaqmaan siyaabo xun xun oo noocaas oo kale dadka kale. . Bishii Oktoobar 4, 2011 waxaa dhintay adeerkay, oo aan aad u jeclaa, ka dib markii uu kudhintay gacanta millateriga Mai Mai ee Koonfurta Kivu, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo. Waxaa ladilay inaadeerkey iyo 7 kale oo shaqaale samafal ah oo aan waxba galabsan. Waa la jirdilay oo si arxan darro ah ayaa loo laayay oo looga tegey jidka. Waxaan qiyaasayaa daqiiqadihii ugu dambeeyay noloshooda, iyo codsigoodii naxariis, in aan ladhagaysan iyagoo naftu kasii baxayso.

Malaayiintii usoo baxday wasooyinka oo kasoo baxay magaalo kasta oo Mareykanka ah, iyo adduunka oo dhan, xitaa iyadoo lagudhex jiro masiibada COVID-19 ee hadda jirta, waxay si weyn u rabaan hoggaamiyeyaasha Mareykanka inay dib-u-habeyn ku sameeyaan nidaamka hirgelinta sharciga ee hadda jira si ugu dambeyntiina ay u helaan amaan dadkoo dhami, iyadoo aan loo kala soocin midab ama isir. Isbedel ayaa si ‘ aad ah loogu baahan yahay. Soogalootiga, ee u soo guurey Mareykanka ka dib markii ay ka soo baxsadeen geeri iyo silcii dalalkooda, way adag tahay in carruurtooda loo sharxo in wixii ay ka soo carareen ay dhab ahaan ka dhici karaan halkan Mareykanka, sidoo kale Soogalootiga waxay uhaystaan wadankan inuu yahay mid tusaale u ah cadaalad sare iyo dimoqraadiyad.

Ducadaydu waxay tahay in waddankan aan aad u jeclahay uu midoobi doono, oo xididdada kala qaybsanaanta iyo isku dhaca ayna heli doonin wax taageera. Sharku wuu fuulayaa markasta oo aan la tilmaamin, waana waqtigii la wajihi lahaa sharka cunsuriyadda oo laga adkaan lahaa.