flag of ghana

Flag of Ghana

Dadka degan Maine oo kasoo jeeda Ghana waa dad yar qaarkood ayaa waxay soo sheegeen Ajambo Africa! Bishaan in dad hubeysan in ay rasaas kufureen meel iskuul ah oo la dhaha Bawaleshie oo ay doorasha Baarlamaan kasocotey oo kutaala caasamada Ghana ee Accra on Thursday January 31, 2019. Waxaa meesha ku daawacmey sided qofood oo katirsan dadka u ordaayeye kursiyada Baarlamaanka kuwaasoo xaalkooda xunyahay. Dadka meesha joogeen ayaa waxay soo sheegeen in ay kudhinteen afar qofood rayid ah. Isla maalintaas poliiska waxay sheegeen in aanan wax dhibaata ah dhaceen. Sida uu qorey Iddi Yire oo ka shaqeeya Ghana News Agency. Dhibaatadaan kudhacdey La-Bawaleshie iskuul wax shaqa ah kumla laha qoloda mucaaradka. Waxay sheegeen in ay arintaas ku imaatey amar kasoo baxey dowlada waxay na ku eedeeyeen Madaxweyne Nana Akufo Addo inuu kashqeynaya in uu ku xumeeyn qolooyinkaaan mucaaradka ah.Dadka inoo soo warmey waxay rajeynayaan in la helo dad si daacad ah u baaro si loo hor keeno cadaalada dadkii ka dambeyey. Arintaan hadii la helo waxay yareyneysaa dhibaatada amni darada ka dhacda wadanka. Arintaan waxay dhaawaceysaa deganaanshaha wadanka Ghana kaas oo loo arka inuu yahay wadanka uugu nabadoon Africa. Qolooyinka Loowyarada ee Ghana waxay cambaareeyeen farlkaan. Waxay kusheegeen in ay dhawac kutahay xurnimada wadanka taasoo lagu heley dadaal badan. Waxayna ubaas baxeysaa sharciga iyo kala dambeenta. Dadka isku xirka xisbiyada markaay mudaaharaadaayeen bishii labaad taariikh todoba, waxay ku andacoodeen in ay jirto dhibaato baahsan oo xaga amaanka ah. Waxay cadeeyeen in nabad gelyo la’aanta ay dhibaato ku tahay madax banaanida wadanka.  Boqolaal dad weyna ah ayaa ku biirey.Waxaa intaas dheer waxaa jira firqi aad u balaaran oo udhaxeeya kuwa wax haysta (Taajiriinta) iyo kuwa aan waxba haysan (Faqiirka) ee kajira wadabka Ghana. Waxaa kaloo la inoo sheegeen in qeymaha maciishada ay hadba la socoto qeymaha saliida wadanka. Hadii uu qeymaha saliida kaco, waxaa asna kacaya qeymaha maciishada. Hadii qeymaha saliida dhaco waxaa meeshiisa sare joogaya qeymaha maciishada.