Dadka kazoo jeeda DR Congo kuwaasoo kunool Maine waxay u mahad celinayaan madaxweynaha cusub oo la dhaariyey oo loo yaqaan Tshisekedi kaasoo amrey in ciidamada Congo in ay fara giliyaan general Mulumba iyo ciidamo uu leeyahay loo yaqaana Biloze Bishambuke. Ciidamadaas waxaay dilieen ilaaa iyo 60 koonfurta Kivu bilihii lasoo dhaafey waxayna gubeen ilaa iyo 23 tuulo waxay gubeen Guryo, qudaar kabaxdey beeraha iyo xoolo nool qaarna waa laxadey. Amarkii Madaxweynaha waxa uu keeney in ay milishiyaadka dib uugu riixaan ayna soo celiyaan xoolihii laga xadey tuulooyinka waxayna difaacayaan Magaalada Minembwa. Magaaladaas ayaa ku dhowaatey in ugacan gasho meleeshiyaadka. Dadka Congo kayimid oo degan Maine waxay ku dhiiri giliniyaan Wadanka Mareykanka iyo Qaramada madoobey in ay cambareeyaan dhibaatooyinkii kadhacey wadanka. Waxayna ku andacoodeen in taliyaasha jabhadaha in la horkeeno maxkamad sharci ah waayo waxay laayeen malaayiin qof.