Isbitaalada MaineHealth waxay si wanaagsan ugu diyaarsan yihiin cudurada faafa ee ku dhaca bulshooyinka aan u adeegno. Waxaad caawin kartaa kahortaga faafitaanka COVID-19 (oo sidoo kale loo yaqaanno fayruuska cusub ee korona) adigoo helaya macluumaad oona raacayo talooyinkan baadqabka.

Waa maxay COVID-19?

COVID-19 waa fayras cusub oo sababa astaamo u eg kuwa hargabka. Dhacdooyinka badankood waxay u dhaxeeyaan heer fudud ilaa heer dhexdhexaad ah. Dadka waaweyn iyo dadka horeba u qaba xaalado caafimaad, ayaa laga yaabaa inay la kulmaan cuduro neefsasho oo aad u daran. Astaamaha waxaa ka mid noqon kara: qandho, qufac, iyo/ama neefsashada oo yaarato.

Sideen uga ilaalin karaa naftayda iyo qoyskayga?

  •   Iska ilaali in indhahaaga, sankaaga, iyo afkaaga aad ku taabato gacmo aan dhaqnayn.
  •   In badan ku dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 ilbiriqsi, gaar ahaan markaadmusqusha ka soo baxdid, ka hor intaadan wax cunin, iyo ka dib markaad diifsato, qufacdo, ama hindhisto.

    o Haddii saabuun iyo biyo aan la heli karin, isticmaal gacmo nadiifiye alkoolo ku saleysan oo ugu yaraan ka kooban 60% alkoolo. Had iyo jeer ku dhaq gacmaha saabuun iyo biyo haddii gacmuhu ay wasakh ka muuqato.

  •   Joog guriga marka aad xanuunsan tahay.
  •   Ku dabool qufacaaga ama hindhisadaada xusulkaaga ama istiraasho, ka dibna istiraashada kutuur qashinka.
  •   Nadiifi oo jeermiska ka dil walxaha iyo sagxadaha badanaa la taabto adigoo isticmaalayabuufiyaha ama tirtiraha guriga lagu nadiifiyo.

    Maxaan sameeyaa haddii aan xanuun dareemo?

    Wac dhakhtarkaaga qoyska haddii aad isku aragtid qandho, qufac ama neefsashada oo kugu adag IYO

    •   haddii aad taabasho dhow la yeelatay qof la og yahay inuu qabo COVID-19 AMA
    •   Aad dhawaan u safartay aagg cudur dilaaca si firfircoon uga socdoFadlan toos ha u aadin isbitaal ama xarun kale ee daryeel caafimaad. Marka hore wac dhakhtarkaaga. Waxay u baahan doonaan inay u diyaargarowaan imaanshahaaga. Dhakhtarkaagu ayaa sidoo kale la shaqeyn doonaa waaxda caafimaadka dadweynaha ee gobolka si loo go’aamiyo in loo baahan yahay in lagaa baaro COVID-19.

Dib loo Eegay: Maarso 13, 2020

Waa maxay fayruuska korona (coronavirus)?

Waxaa jira noocyo badan oo ah fayruusyada korona ee ku dhaca aadanaha oo ay ku jiraan qaar caadiyan sababa xanuunada neef-mareenka oo fudud. Fayruuska korona ee cusub waa fayruus ah korona cusub kaasi oo aan horay loo aqoonsanin. Fayruuska keena cudurka Coronavirus 2019 (COVID-19), lama mid aha fayruusyada korona ee caadiga ah ee sababa xanuunada fudud, sida hargabka caadiga ah. Bukaanada qaba COVID-19 ayaa loo baari doonaa loona xanaanayn doonaa si ka duwan bukaanada qaba fayruusyada korona ee caadiga ah.

Waa maxay waxa uu ku duwan yahay fayruuska COVID-19 ?

Sidee ayuu COVID-19 u faafaa?

Fayruuska waxaa loo maleynayaa inuu yahay mid ay dadka is-qaadsiiyaan:

  •   Waxaa isku daarto dadka leh istaabasho dhow (isku jira qiyaastii 6 fuud)
  •   Finiinka soo baxo marka qof cudurka qaba uu qufaco ama hindhisoQof ma faafin karaa fayruuska isagoo aan xanuunsanayn?

    Waa maxay calaamadaha iyo astaamaha lagu garto fayruuska korona?

    •   Qandho
    •   Qufac
    •   Neefsashada oo yaraatoDhacdooyinka CVIDID-19 waxay u dhaxeeyaan astaamo fudud illaa xanuun daran iyo dhimasho.

      Sideen isaga ilaalin karaa fayruusyada korona?

 Iska ilaali in indhahaaga, sankaaga, iyo afkaaga aad ku taabato gacmo aan dhaqnayn. Dib loo Eegay: Maarso 13, 2020

COVID-19 waa cudur cusub, oo uu sababay fauruuska korona oo cusub kaasi oo aan horay loogu

arkin aadanaha.

Finiinadan ayaa ku gaari kara afka ama sanka dadka u dhow ama waxaa laga yaabaa inay gaaraan sambabada dadkan.

Haa. Waxaa jiray warbixino sheegaya in dadka qaarkiis faafinayaan COVID-19 ka hor inta aysan astaamo isku arag. Laakiin, tani looma arko inay tahay habka ugu weyn ee fayruusku ku faafo. Dadka ayaa caadi ahaan is-qaadsiiyo marka ay aad u jiran yihiin (qufac, qandho, neefsashada oo yaraato).

Mid ama in ka badan oo ka mid ah astaamaha soo socda ayaa soo bixi kara 2-14 maalmood ka dib soo-gaarista COVID-19:

  •   In badan ku dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 ilbiriqsi, gaar ahaan markaad musqusha ka soo baxdid, ka hor intaadan wax cunin, iyo ka dib markaad diifsato, qufacdo, ama hindhisto.o Haddii saabuun iyo biyo aan la heli karin, isticmaal gacmo nadiifiye alkoolo ku saleysan oo ugu yaraan ka kooban 60% alkoolo. Had iyo jeer ku dhaq gacmaha saabuun iyo biyo haddii gacmuhu ay wasakh ka muuqato.
  •   Joog guriga marka aad xanuunsan tahay.
  •   Ku dabool qufacaaga ama hindhisadaada xusulkaaga ama istiraasho, ka dibna istiraashada kutuur qashinka.
  •   Nadiifi oo jeermiska ka dil walxaha iyo sagxadaha badanaa la taabto adigoo isticmaalayabuufiyaha ama tirtiraha guriga lagu nadiifiyo.

    Sidee la iiga baari karaa?

 Haddii aad u malaynaysid inaad qabtid COVID-19 (eeg qaybta sare ee “Maxaan sameeyaa haddii aan xanuun dareemo?”, wac dhakhtarkaaga. Dhakhtarkaaga ayaa kaa caawin doona go’aaminta in baaritaan loo baahan yahay.

Dib loo Eegay: Maarso 13, 2020