“Uhunga ikikwiruka inyuma ariko nduhunga ikikwirukamo.”
Kani waa oraah caan ah oo luuqadda Kinyamulenge, oo macnaheedu yahay, “Way fududahay in laga cararo wax kaa eryanaya xagaa dambe, laakiin way adag tahay inaad ladagaalanto wax kula dagaalamaya oo kujira naftaada.”
Fayraska COVID-19 ayaa kudhacay dad ku kala nool in ka badan 200 oo dal iyo dhulal badan, wuxuu baabi’iyay nolosha, dadkii ayuu naxdin galiyay, iyo dhibaato uu ugaystay dhaqaalihii. Markay ahayd Maarso 12, Maine waxay xaqiijisay kiiskeedii ugu horreeyay ee COVID -19, taasoo ka dhigaysa gobolka 43aad ee laga helay dad qaba cudurkan. Guddoomiyaha gobolka Janet Mills ayaa si dhakhso ah ugu dhawaaqay tallaabooyinka ceymiska degdegga ah ee lagu caawinayo dhammaan dadka kunool Maine si ay uhelaan daryeel caafimaad oo la xiriira fayraska, waxayna soo jeedisay talooyin loogu talagalay in lagu yareeyo faafidda, lana siiyo nidaamka daryeelka caafimaadka fursad ay ugu diyaargaroobaan bukaannada COVID-19. Agaasimaha Xarunta Maine ee Xakameynta Cudurrada, Dr. Nirav Shah, wuxuu maalin kasta siiyaa warbixin cusub dadweynaha si loo caawiyo dadka kunool Maine inay fahmaan oo ay wax ka qabtaan dhibaatada soo korortay. Markay ahayd Maarso 27, tiridda kiisaska Maine waxay sare u kaceen ilaa 168, Maine waxay diiwaan gelisay geerideedii ugu horeysay Covid-19, kaasoo ah nin waayeel ah oo 80 jir ah.
Hoggaamiyeyaasha dadka soo galootiga ah waxay aad uga shaqeeyeen sidii ay gacan uga geysan lahaayeen taageerada xubnaha bulshada isla markaana loogu wargelin lahaa sida ugu wanaagsan ee loo ilaalin lahaa caafimaadka iyo badbaadada qoysaskooda, iyo sidoo kale bulshada guud ahaanba. Macluumaadka ku saabsan astaamaha, tillaabooyinka la qaadayo si looga fogaado fiditaanka jeermiga, iyo waxa la sameeyo haddii kiis la tuhmo waxaa loo tarjumay luqado badan oo kaladuwan si qof walba uu ufahmo. Kooxaha bulshada ayaa abuuray fiidiyoowyo lagu duubay luuqado badan si ay ula wadaagaan xubnaha bulshada wararkii ugu dambeeyay iyaga oo adeegsanaya WhatsApp, Facebook, iyo aalado kale sida Amjambo Afrika si ay u gaaraan kuwa aan lasocon warbaahinta guud.
Amjambo Africa waxay ku leedahay boggeeda intarnetka ee ‘Covid-19’ botton cusub kaasoo kuxiraya dadka booqda boggaas macluumaad ku baxaya luuqdaha Faransiis, Swahili, Boortaqiis, Soomaali, iyo Kinyarwanda. Qaar ka mid ah macluumaadka waa qaab fiidiyowyo ah oo ka socda xubno bulshada dhexdeeda caan ka ah, kuwa kalena waxay ku qoran yihiin qaab qoraal ah ama xog-ah. Waxaan kugu boorinaynaa inaad booqato bogga internetka oo aad si ballaaran ula wadaagto dadka aad ku xiran tahay. Macluumaadkeenna waxaan ka soo xigannaa Xarunta Xakamaynta Cudurrada, Ururka Caafimaadka Adduunka, iyo hoggaamiyeyaasha bulshada deegaanka. Waxaan ka helnaa macluumaadka shirarka jaraa’id ee maalinlaha ah, kulamada lala yeesho waaxaha kaladuwan ee dowladda, sida Waaxda Shaqaalaha, iyo Waaxda Caafimaadka iyo Adeegyada Aadanaha, iyo kooxo kala duwan oo ay hogaamiyaan dadka soo galootica ah.
Dhaqanka, caqiidada, iyo waayo-aragnimadii hore waxay dhammaantood door muhiim ah ka ciyaaraan sida qof walba iyo bulshada kala duwan ay ula tacaamulaan waqtiyada halista ah. Dadka soogalootiga ah ee dhawaan yimid Maine waxay kasoo carareen argagax kajiray wadamadii ay ka yimaadeen – taasna waa sababta ay halkan u joogaan. Biloodgii hore ee COVID-19 waxaa laga yaabaa inaysan u cabsi galin si dhakhsa ah oo lamida sida dadka kale ee Mareykanka ee ka badbaaday dagaalka dhulkeena, iyo cudurada faafa sida Ebola, duumada, iyo qaaxada. Si kastaba ha noqotee, markii ay baqdintii weynaatay wixii dhacayayna ay caddaatay, wuxuu xasuusiyay dhibaatadii ay soo mareen markay joogeen wadamadooda, iyo dhibaatadii ay soo mareen markii ay usoo socdeen Maine.
Markii warka fayrasku soo gaadhay dadka dagan Maine, isla markiiba waxay aadeen bakhaarradii oo waxay ka iibsadeen gacan nadiifiye iyo alaabooyinka nadiifinta. Waqtigii ay dadka soo galootiga ah ay garteen baaxadda dhibaatada waxay la yaabeen markay arkeen in alaabooyin badan oo daruuriga ah laga waayey dukaammada. Si kasta ha noqotee, sida dadka Maine ee dakhligoodu hooseeyo, muhaajiriin badan ayuu jeegba jeeg udhiibaa, oo aan awoodi karin inay iibsadaan oo ay kaydiyaan cuntada toddobaadyo, waxayna ka walwalaan in qof walba uusan heli doonin fursad isku mid ah oo uu kaga baxo dhibaatadaas.
Faafidda COVID-19 waa mid xusuusineysa in aan hadda ku nool nahay tuulo caalami ah oo si aad ah isugu xiran – wax kasta oo ka dhaca meel aad u fog ayaa si fudud oo dhaqso leh noogu imaan kara oo saameyn weyn ku yeelan kara nolosheena. Iyo sida nolosha tuulada, waxaan u baahanahay inaan is caawinno, oo aan wadaagno ilaha dhaqaalaha, si kuwa dhaqaalohoodu yar yahay ee nagu dhex jira aysan ugu dhicin dhibaato isdaba joog ah.
Amjambo Africa waxay u diraysaa rajo ah in dhamaan bulshooyinkeena – haday yihiin kuwa kudhashay dal shisheeye iyo ku dhashay gudaha in ay dhagaysan doonaan talobixinta khubarada oo ay guryahooda iska joogaan marka laga reebo inay dibada ugu baxaan wax muhiim ah, gacmaha si adag haloo dhaqo, masar ku dabool afka hadii aad qufacdo ama hindhisto. midba midka kale ha caawiyo. Si wada jir ah ayaan u yarayn karnaa fiditaanka fayraska COVID-19, oo aan siineyno bahda caafimaadka fursad ay kula socdaan kiisaska dadka jirran, iyo saynisyahanada si ay u horumariyaan tallaal waxtar u leh fayraska.
Waxaan aamin sannahay in daganaansho maskaxda ah iyo xasillooni laga dhex dhisi doono bulshadeena wanaagsan waqti aan dheerayn, waxaan u rajeyneynaa saaxiibbadeena sida ugu wanaagsan.