by Jean Damascène Hakuzimana
Cadow soojireen ah muddo tobanaan sano ah, Ereteriya waxaa laga yaabaa inay ka caawiso Itoobiya dagaalka ay kula jirto gobolka Tigray, iyadoo u dirtay kumanaan ciidan xadka si ay uga barbar dagaallamaan ciidammada Itoobiya oo isku dayaya inay cabudhiyaan hoggaanka Tigreega.
Tani waa sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, oo ilo wareedkeeda ay ku jiraan diblomaasiyiin Mareykan ah. Muuqaalo dayax gacmeed iyo markhaati ayaa xaqiijiyey warbixinta. Tigray waa gobol ka mid ah waqooyiga Itoobiya kana soo horjeeday dowladda federaalka ee Abiy Ahmed.
The Guardian ayaa ku warantay in ku lug lahaanshaha Eriteriya uu sii murjin doono khilaaf awalba isku qasnaa, lagana yaabo inuu ku qasbo Mareykanka, oo mar xulufo la ahaa gobolka, inuu mowqif ka duwan ka qaato Itoobiya, oo gacansaar la laheyd nidaamka xun ee Eritrea. Labada qaranba waxay si isdaba joog ah u beeniyeen iskaashiga. Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa ku baaqday in la joojiyo colaadda ka dhex aloosan dagaalyahannada dib u dhacay bishii Nofeembar, laakiin baaqaas waa laga dhaga adeegay.
Ereteriya waxay mar ka mid ahayd Itoobiya. Sanadihii 1970-yadii Jabhadii Xoreynta Eriteriya (EPLF) waxay ka barbar dagaalameen TPLF si loo rido Mengistu Xayle Mariam, oo ahaa kalidii taliyihii Ethiopia, ugu dambaynti wuxuu dhacay 1991. 1990, Eritrea waxay ku dhawaaqday xornimo waxayna noqotay qaran madaxbanaan. Kooxda TPLF waxay noqotay awooda ugu badan wadanka itoobiya, tanina waxay soctay kudhawaad 20 sano.
Intii ay shaqeyneysay, qowmiyadaha kale dhinac ayaa laga saaray, ilaa kacdoonkii 2018 ee wadada u xaaray in Ra’iisul Wasaare Abiy Ahmed oo ka soo jeeda qabiilka ugu badan ee Oromo uu xukunka la wareego Isla markii la caleemo saaray, Tigreegu wuxuu bilaabay khilaaf ka dhex jira Raiisel wasaare Abiy Ahmed iyo qorshihiisa siyaasadeed, kaas oo isu rogay dagaal sokeeye.
Ku dhowaad bilowgii khilaafkan hubaysan, kooxda TPLF, oo ay weerartay dawladda dhexe, waxay gantaallo ku garaacday magaalada Asmara ee caasimadda Eritrea. 1-dii bishii Diseembar, ra’iisul wasaare Abiy Ahmed wuxuu shaaca ka qaaday in dowladda federaalka ay la wareegtay gacan ku haynta gobolka Tigray, isagoo ballan-qaaday inuu dib u dhis ku sameyn doono kaabayaashiisii waxyeelleeyay. Wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku warantay in kooxda TPLF aysan wax qirasho ah sameynin, laakiin taa badalkeeda ay wacad ku martay in ay badin doonto weerarada ay ku qaadayso dhinacyada kala duwan Khubarada ayaa ka walwalsan dagaal dhuumaalaysi ah oo la samaynayo, kaas oo yeelan kara a Dhanka kale, kumanaan qaxooti ah ayaa ka qaxay dagaalada una gudbay dhanka Suudaan.
Ururada bani’aadamnimada iyo xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa ka codsaday labada dhinac ee isku dhacu ka dhexeeyo inay u ogolaadaan gargaarka bina’aadanimo ee dadka tabaaleysan. Guterres ayaa sidoo kale muujiyay walaaca uu ka qabo xadgudubyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha ee suura galka ah wuxuuna ku booriyay in si deg deg ah loogu soo celiyo sharciga.