
Vegetables and fruits.
Culimada Sayniska waxay isku raaceen in raashinka aan cuno maalin kasta iyo xendaabka aanu kunoolnahay ay door weyn kacayaara in aan kunoolaano (nolol caafimaad ah iyo cimri dheer taasoo kuligeen aan jeclaan lahayn iyo inkale) Ayadoo ay saas tahay dad fara badn oo qaxooti ah oo jooga Amerika ayaa cuno cunto aan caafimaad laheen, sababta oo ah aqoon umalaha meelaha raashiinka ka imaado iyo waxyaanaha ku qoran baakadaha. Saas daraadeed waxay halis ugu jiraan in ay ka qaadaan caafimaad xumo.
Markii Africa la joogey dadka waxaay raashiinka kasoo gadan jireen suuqa bulshada iskuugu timaado, Cuntada waxaa iibiya dad, kuwaasoo sitoos ah uga soo iibsada beeralayda, cuntada oo dhanna waa organic. Dad badan Ayaan cunto kufilan helin marka lajoogo Africa saas awgeed saas awgeed ay xooga saaraan cuntada u kabuuxo borootiin iyo dufanka. Miisaanka oo kordha wax dhib badaan dadka kuma hayo.
Dadka waxaay cabaan caanaha markii ay awoodaan, ayadoo ay qaali yihiin, dad badan ma awoodaan in ay iibsadaan. meeshaan halkan Amerrica ay caanaha yihiin cuno si fudud lagu helo, cayaalka waxaa lagu siiyaa dugsiyada wax barashada ayaadoo Jokolaata ah iyo aydoo caana caadi ah. cabitaanka fudud ee sokorta le ee ayaa isna qaali ah markii Africa lajoogo saas darteed dadka aa duma cabaan. Meelaha qaar Africa dadka waxay helaan biyo nadiif ah waa hadii ay dhaqaala leeyahiin oo kaliya, laakiin inta badan dadka kale waa in ay cabaan biyo wasaq ah ama ay biyaha iska kariyaan ka hor inta ay cabin kahor.
Waxyaabaha ay dadka African ah cunaan ayaa si xad ah iisu bedelaan markay imaadeen America. Raashiinkii ay garanaayiin ayaa adkaatey in la helo islamarkiiba waxaa bedeley cabitaan fudud, baradho la dubey, hilib iyo waxyaab dufantooda badantahay oo hadana si fudud lagu hela. Dadyowga qaxootiga ah si fudud ayay uugu dhacaan waxyaabahaas ayakoon ogeen caafidaad darada ka dhalan karta. Qoraalada oo baakadaha lagu qoro si loo ogaada waxa kujira ayaanba jirin Africa, dadyowga qaxootiga ayaan aqaanin waxaas sida loo akhriyo. Mana aha wax ay Africa kusoo arkeen, marka waxaa fudud in aan dusha laiska saarin gabi ahaan.waxaa kaloo dhibaata qoraaladaas waxay ku qoronyihiin luuqada Ingriiska, taasoo ku adag dadyowga ku cusub America.
Sida dadka maraykanka ah, Dadkoo dhan waxay rabaan in ay caafimaad qabaan. Dadka cusub oo aan lahadalnay waxaay inoo sheegeen in ay u baahanyihiin in ay helaan tababaro si loo baro sidii ay ukala kasi lahaayeen raashiinka caafimaadka leh iyo kan kale.waxaa kaloo ay ubaahanyihiin in labaro sidii ay u akhrin lahaayeen waxa kuqoron qardaasta ama baakadaha raashiinka si ay ubartaan qayaasaha sida, inta qof ee looga talagaley, inta cusba kujirta, iyo inta laga qaadan karo maalintii. Dadka waxaa kaloo rabaan in ay ogaadaan gebi ahaan waxa kujira baakada si ay ugu kalsoonaadaan raashiinka ay karsanayaan. Badanaa dadka ku cusub America ayaa ku yabaala waxyaabaha ay ku arkaan suuqyada raashiinka.
Qaxootiga ka imaadeen African waxay soo jeediyeen in loo baahanyahay wax barasha ku aadan cunista raashin caafimaad qaba ayakoo kunool xaafadahooda waxayna ku waaniyaan kuwa cusub inay helaan waano takhtar caafimaad. Waxay kaloo soo jeediyeen in takhaatiir qabtaan isu imaatin looga hadlaayo sidii dadyowga qaxootiga ay ula socon lahaayeen raashiinka ay cunayaan. Waanooyinka sida cabis ta biyaha, yareenta ama joojinta cabista cabitaanka sida Sodada Juuska la farsameeyey, joojointa raashiinka la warshadeyey sida Baradhada, waxyaabaha saliida lagu dubey, hilibka xad dhaafka ah, in ay badsadaan Qudaarta, miraha iyo in ay yareeyaan Khamriga.