Calaamadaha soo socdaa waxay soo bixi karaan 2-14 maalmood ka dib qaadida cudurka. *
- Qandho
- Qufac
- Neef gaaban
Jirrooyinka uu sababay cudurkan ee la soo wariyay ayaa u dhexeeya kuwa leh astaamo khafiif ah iyo jirro daran iyo geeri la xaqiijiyay oo cudurka coronavirus 2019 (COVID-19). Waqtigaan la joogo ma jiro wax tallaal ah oo looga hortago cudurka coronavirus 2019 (COVID-19). Sida ugu wanaagsan ee looga hortago cudurkan waa in laga fogaado in la faafiyo viruskan. Fayraskani wuxuu ku gudbaa isagoo ku dhaca qof kadibna qofkaasi uu u gudbiyo qof kale.
Halkan waxaad ka heli kartaa waxyaalo aad sameyn karto si aad u ilaaliso naftaada, qoyskaaga, iyo bulshada.
- Inta badan gacmahaaga ku dhaq saabuun iyo biyo ugu yaraan 20 sekan, gaar ahaan markaad musqusha aado; cunida kahor; iyo ka dib markaad sanka kaduufsato, qufacdo, ama hindhisto. Haddii saabuun iyo biyo aan la heli karin, isticmaal gacmo nadiifiye alkolo leh oo leh ugu yaraan 60% aalkolo.
- Ka fogow xiriir dhow inaad la yeelato dadka jiran.
- Ka fogow taabashada indhahaaga, sankaaga, iyo afkaaga.
- Guriga joog marka aad jiran tahay.
- Masar Ku dabool qufacaaga ama hindhisadaada, ka dibna ku tuur masarka qashinka.
- Nadiifi oo jeermiska si joogta ah uga dil waxyaalaha la taabtay iyo sagxadaha adoo isticmaalaya nadiifiye labuufiyo ama tirtir.
- Maro daboosha afka iyo sanka waa in ay isticmaalaan dadka muujiya astaamaha COVID-19 si looga hortago in uu cudurku ku faafo dadka kale. Isticmaalidda marada daboosha afka iyo sanka ayaa sidoo kale muhiim u ah shaqaalaha caafimaadka.
- Waayeelku waa inay isku dayaan:
- Ka fogow meelaha dadweynaha iyo dadku isugu yimaadaan
- guriga joog inta aad joogi kartid
- ka fogow doomaha iyo diyaarad waqti dheer qaadanaysa.
Caawi kuwa ugu nugul inuu cudurku kudhoco inay ka fogaadaan meelaha dadku ku badan yahay – waxaa ka mid ah dadka waayeelka ah ama kuwa qaba xaalado caafimaad oo adag sida cudurrada wadnaha, sokorta, iyo cudurka sambabaha. Iskuday inaad kucaawiso inay gattaan adeega iyo waxyaalaha kale oo u gaar ka ah.