By Kathreen Harrison

Photo | John Ochira

Dhibaatada Covid-19 waxay six un usaameeyay nolosha malaayiin dad ah oo adduunka kunool, oo ay ku jiraan bulshooyinka soogalootiga Maine. Dadku waxay waayeen shaqooyin, iskuuladi waa laxiray, xaflado dhaqameedyo iyo dabaaldegyo ayaa la joojiyay, adeegyadii cibaadada ayaa khadka internetka laga bixiyaa, iyo ereyga “kalafogaanta bulshada” ayaa galay ereyada ay isticmaalaan xitaa kuwa ku cusub Ingiriiska.

Si loola jaanqaado dhibaatada waxaa kulmay , Maarso 13, Mufalo Chitam, agaasimaha Isutagga Xuquuqda Muhaajiriinta Maine (MIRC) iyo Inza Ouattara, Isuduwaha Catholic charity Isuduwaha Caafimaadka Qaxootiga ee Gobolka Maine, ayaa shir ugu yeeray hogaamiyaasha jaaliyadaha soogalootiga Maine. Waxay sidoo kale u yeereen isku xiraha caafimaadka bulshada CDC Kristine Jenkins iyo Jamie Paul si ay uga wada hadlaan cudurka faafa ee hadda jira iyo in la dhiso qaab lagu xiriiro oo wax ku ool ah oo sahlaya xiriirka xubnaha bulshada soogalootiga ah iyo CDC.

• Kulanku wuxuu ka hadlayey tilmaamaha hadda jira ee CDC ee badbaadada dadweynaha, iyadoo dadkii ka soo qeybgalay la weydiiyay inay adeegsadaan khadadkooda war-isgaarsiinta si ay u gaarsiiyaan tilmaamaha deegaanadooda sida ugu dhaqsaha badan:

• Ku dhaq gacmaha saabuun iyo biyo si adag oo si joogto ah ugu yaraan 20 sekan, adoo xooga saaraya gacanta dhankeeda sare, inta u dhexeysa faraha dhexdooda, iyo ciddiyaha hoostooda.
•Isticmaal gacmo nadiifiye alkolo leh si aad u nadiifiso gacmaha haddii biyo aysan jirin
• Guriga joog haddii aad jiran tahay
• Masar kudabool afka marka aad qufacdo ama hindhisto ka dibna tuur masarka
• Ka fogow safarka.

Wac dhakhtar si aad uga warbixiso astaamaha halista ah (sida qandho, neefta oo ku qabata, neefsashada oo kugu adkaata) intii aad toos ugu tegi lahayd qolka gargaarka degdegga ama xafiiska dhakhtarka.

Ku celceli iskuna day in aad ka fogaatto dadka kale 6 cagood, khaasatan dadka waaweyn iyo dadka qaba xaalado caafimaad oo halis ah; ka qayb gal shirarka adoo isticmaali kombuyuutarka; ka fogoow meelaha dadka badan isugu yimaadaan. (kalafogaanshaha waxay suuro galinayso in dadkii kale uuna gaarin xanuunku.

Waxaa intaa kuu dheer in ay hakiso faafitaanta fayraska, oo u oggolaato isbitaallada iyo alaab-qeybiyeyaasha qalabka caafimaadka inay daboolaan baahida. kalafogaanshaha ayaa fure u ah xakameynta xawaaraha gudbinta maxaa yeelay fayrasku wuxuu ku faafaa inaad xiriir dhow layeelato qof qaba, Xiriirka dhow waa inaad uga dhawaato wax kayar 2 mitir (6 fiit) qof ugu yaraan 15 daqiiqo. Qofka qaba cudurka waxaa laga yaabaa inaanay ka muuqan astaamo, carruurta iyaguna maka muuqato astaamo daran, siwalbaba ha ahaatee, hindhisada, qufaca, iyo xitaa hadalka ayaa waxaa ka soo daadan kara dhibco hawada ku jira oo markaa raaci karta neef qaadashada qofka kale. Waqtigaan la joogo ma jiraan wax caddeyn ah oo sheegaya in fayrasku ku faafo cuntada).

Photo | John Ochira

F Tilmaan bixinta guud waxaa u dheeraa kulanka, waxaa sidoo kale diiradda lasaaray sidii loo ogaan lahaa arrimaha sida gaarka ah muhiimka ugu ah dadka soogalootiga ah. Kuwaas waxaa ka mid ahaa baahida loo qabo tarjumaad si kuwa ku cusub Ingiriisiga ay u fahmaan fayraska, sida uu u faafo, iyo sida looga hortago.

Waxaa soo raacay shirkii 13-kii Maarso, in ururada bulshada iyo kuwa aan macaash doonka aheyn ay ka shaqeeyaan soo saarista iyo aruurinta fiidiyowyo iyo waraaqo waxa saxda ah ay ku qoran yihiin ah oo luqado kaladuwan oo sharraxaya xaalada caafimaad ee degdegga ah. waxyaalahan waxay ka hadlayaan mowduucyo badan, oo ay ku jiraan sida fayraska loo kala qaado, waxa uu yahay ‘kala fogaanshaha bulshada’, baajinta dugsiga, khuraafaadka ku saabsan fayraska, muhiimadda helitaanka waxyaabo kale oo oo gala meelihii laga isticmaali jiray is gacan qaadka iyo lab isisaarka, iyo sababta ay dadku u joogaan guriga haddii ay suurtagal tahayba.

Ka sokow kuqorida macluumaadkan ee lagudajiyay boggag kala duwan sida Amjambo Africa, ururadu waxay ku direen warbaahinta bulshada iyo WhatsApp. Intaa waxaa sii dheer, iyadoo la tixraacayo baahida loo qabo in dadka lala wadaago qof qof, si loogula xiriiro qaabab dhaqameed ku habboon, tiro ka mid ah ururada bulshada soogalootiga ah ayaa sameeyay inay garaacaan albaabada si ay ula wadaagaan macluumaadka caafimaad ee muhiimka u ah xubnahooda. Hogaamiyeyaasha ayaa soo sheegaya in waxyaabaha la tarjumay ay gaareen beelahooda, badanaankooduna hada ay u hogaansan yihiin tilmaamaha.

Koroonafaayraska cusub ee loo yaqaan ‘coronavirus Covid-19’ wuxuu gaadhay 188 waddan ama dhulal, wuxuuna ku fidaayaa Afrika, halkaas oo 40 dal ay soo sheegeen 572 xaaladood oo la xaqiijiyay, iyo 12 dhimasho ah, laga soo bilaabo Maarso 21. Waxaa lala yaaban yahay sida cudurku uu ugu yaryahay Afrika.

Shakigaasna waxaa sababay khibraddii hore ee qaaradda ay u lahayd cudurro kale sida Ebola.

Sida laga soo xigtay Professor Jean-Jacques Muyembe, Agaasimaha Guud ee Machadka Qaranka ee Cilmi-baarista Noolaha (INRB) ee Kinshasa, Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo, waxaa laqaatay isla tallaabooyinkii la looga hortay Ebola si looga hortago Covid-19. Bishii Febraayo 20-keedii maqaalka Ururka Caafimaadka Adduunka, Muyembe ayaa laga soo xigtay isagoo leh, “Tan iyo markii 10-aad uu ka dillaacay cudurka Ebola, xitaa gobollada aan xaalado lahayn waxay dejiyeen nidaamyo ay ku baaraan dadka socotada ah isla markaana ay ku dhiirrigeliyaan gacmo-dhaqashada, tallaabooyinkanna waa kuwa hada loo baahan yahay in lagula dagaallamo coronavirus. ” Wuxuu intaas ku daray in Ebola awgii, waddanku uu sameeyay nidaam sheybaar oo hadda loo isticmaali karo in lagu baaro coronavirus sidoo kale. Si kastaba ha noqotee, cudurkan ka duwan Ebola, bukaanada aadka u xanuunsan ee qaba ‘Covid-19 ‘ waxay u baahan yihiin mashiinno taageero xagga neefsashada ah, kuwanina waa ku yar yihiin dalal badan, oo ay kujirto DRC.

Sida laga soo xigtay CNN, tillaabooyinka kale ee laga qaaday Afrika si loo yareeyo faafitaanka viruska waxaa ka mid ah fududaynta maydhista ee Kigali, Rwanda, halkaas oo rakaabka looga baahan yahay inay gacmaha iska dhaqaan ka hor intaanay fuulin basaska; barista cudurka oo qasab laga dhigay iyo isticmaalka gacmo nadiifiyeyaasha ka hor intaadan gelin goobaha dadweynaha ee magaalada Lagos, Nigeria; xayiraadaha safarka ee dalal badan.

Photo | John Ochira

Fikradda ayaa ku faafay in muddo ah Afrika iyo Mareykanka in dadka madowga ahi uusan kudhicin Covid-19, si kastaba ha noqotee faafitaanka fayraska ee hadda ka jira Afrika, iyo sidoo kale kiisaskii ugu dambeeyay ee dadka caan ka ahaa ee Mareykanka, oo ay ku jiraan laba Afrikaan ah. Ciyaartoyda Kubadda Koleyga ee NBA-da Mareykanka ayaa beeninaya wararkan. Khuraafaadyada kale ee wali ku wareegaya ayaa waxaa ka mid ah fikradda ah in biyo kulayl oo milix leh ay dilaan fayraska; maraq basbaas iyo basbaaska ayaa ka difaaca fayraska; mashiinka timaha qalajiya ayaa dila fayraska, in fayrasku aanuu ku fiicnayn jawiga kulul. Dhammaan khuraafaadkaasi waa la beeneeyay.

Photo | John Ochira

Su’aalaha wali maskaxda ay ku hayaan hogaamiyaasha soogalootiga iyo xulafadooda ayaa waxaa ka mid ah hadii baaritaanka COVID-19 uu lacag la’aan u yahay dadka magangalyo-doonka; sida dadka dakhligoodu xadidan yahay ay guryahooda ugeeyn lahaayeen sahay ku filan oo agab ah, sida cuntada, warqada suuliga, gacmo nadiifiye, dawo, xafaayad; Maxaa caawimaad ah ayaa la bixin doonaa si looga hortago ka saarida qofka ee laga saaro gurigiisa hadii uu bixin karin kirada; sida loo qoondeeyo shaqaalaha bilaa sharciga ah ee aan u qalmin barnaamijyada dawladda. Amjambo Afrika waxay soo sheegi doontaa jawaabaha su’aalahan markay soo gaaraan. Fadlan ka eeg Liisaska Adeegyada ee bogga 16, 20/21.

Ka fiiri botonka Covid-19 oo ku yaalla amjamboafrica.com fiidiyowyada, waraaqaha xaqiiqda, iyo qodobbada ku saabsan fayraska kaasoo ku baxaya luuqadaha Faransiiska, Boortaqiiska, Soomaaliga, Sawaaxiliga, iyo Kinyarawanda. Waxaan qorsheyneynaa inaan ku soo darno luuqado badan boggayaga intarnetka si aan uga caawinno kuwa aan aqoon luuqada Ingiriisiga inay la socdaan wixii cusub hadii dhibaatadu sii kororto.