Waxaa qoray Georges Budagu Makoko, Publisher
Koritaankaygii aan kusoo koray Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Kongo, waxaan rajeynayey inaan xaq u leeyahay inaan doorto maalin un. Laakiin Madaxweyne Mobutu wuxuu abaabulay oo keliya hal doorasho inta lagu gudajiray 30kii sano oo uu xafiiska hayey – mana ahayn waqtigii aan ku noolaa DRC qof weyn. Marka waxaan codeeyay markii ugu horreysay 2012, sanadkii ugu horreeyay ee aan xaq u yeesho in aan sidaas sameeyo, ka dib markii aan noqday muwaadin Mareykan ah sanadkii 2011.
Waxaan ku noolaa Mareykanka 17 sano. Intii lagu jiray muddadaas aad baan uga naxay tirada dadka Mareykanka ee xaqa u leh inay codeeyaan – laakiin sidaas aan yeelin. In aan ihtimaam lasiinin arintaan waxay niyad jab ku tahay malaayiin dad ah oo ku kala nool daafaha dunida kuwaasoo aan waligood helin xuquuqdaas oo ay ugu wacan tahay nidaamyada naxariis darada iyo dulmiga ee ay ku nool yihiin. Doorashadii Mareykanka waxay soo jiidatay soogalootiga Afrikaanka ah. Waxaan u aragnaa inay tahay qayb weyn oo ka mid ah nidaamka dimuqraadiyadda ee Ameerika. Waxaan ugu baaqayaa cid kasta oo codeyn karta inay sidaas sameeyaan – mas’uuliyadda weyn ee ka saaran go’aamada muhiimka ah ee ka saaran muwaaddiniinta in aan la tuurin.
Inta badan hoggaamiyeyaasha Afrika waxay qabsadaan awoodda iyagoo adeegsanaya xoog milateri, maamulkana kuma dhiibaan si tabaruc ah. Markii ay xukunka qabtaan, waxay leeyihiin awood buuxda oo ay ku dooran karaan inta ka harsan dowladooda. Wadamo badan, doorashada wakiiladaan kuma salaysna mudnaanta iyo wanaaga, laakiin waxay ku saleysantahay doonidda hogaamiyaha. Codka hal hoggaamiye ayaa ka awood wayn bulshada inteeda kale.
Dhowrkii bilood ee la soo dhaafay Maine waxaa astaan u ahaa olole ay wadaan murashaxiinta u tartamaya doorashada 5-ta November ee soo socota. Musharixiinta iyo taageerayaashooda ayaa ka soo muuqda baraha bulshada, waxayna garaacaan albaabada dadka, si ay ula wadaagaan aragtidooda siyaasadeed, ugala hadlaan arrimaha ay daneynayaan, oo ay u sharxaan qorshayaasha ay ku xallinayaan dhibaatooyinka si loo beddelo nolosha dadka qaab wanaagsan. Jidadka iyo meelaha dadweynaha ee kuyaala Maine oo dhan waxaa lagu dhajiyay sawirro ololeyaal wata farriinno kala duwan oo matalaya qiimaha musharraxiinta iyo waxa ay u taagan yihiin. Dhamaan fariimahan waxaa loogu talagalay in lagu helo kalsoonida dadka.
Su’aasha ugu weyn ee ay tahay in dadku isweydiiyaan xilliga doorashada “yaa ah murashaxa ugu fiican? Go’aan caqli gal ah oo ku saabsan doorashada hoggaamiyeyaasha wanaagsan waxaa si fudud loogu dabooli karaa caadifado kacsan iyo hadalada ololaha iyo hal-abuurka. Dad badan ayaan waqti u qaadanin inay qiimeeyaan dabeecadda murashaxa iyo mowqifka uu ka taagan yahay arrimaha una oggolaadaan hadallada ololaha iyo hal-ku-dhigga inay saameyn ku yeeshaan go’aan qaadashadooda. Dabeecaddu waa mid lagama maarmaan u ah musharraxiinta – dabeecaddooda aan eegaynin dantooda oo kaliya, hamigooda iyo jacaylka ay u qabaan muwaadinka, awoodda ay uleeyihiin inay ku qiimeeyaan iyo fahankooda baahiyaha dadka, iyo awoodda xallinta dhibaatada. Waxaan u baahanahay mudanayaal la soo doortay si aan ugu helno xal caqabadaha adag.
Go’aannada mudanayaasha la doorto waxay saameyn ku yeeshaan nolosha dadka siyaabo muhiim ah. Tusaalooyinkii ugu dambeeyay ee Maine waxaa ka mid ah duqa magaalada uu suurta geliyay magangalyo-doonka inay helaan Kaalmada Guud, ka dib markii duqa magaalada hore uu joojiyay kaalmadaas. Tusaale kale waa Go’aanka Portland ee lagu ballaarinayo bixinta fasallo lasiinayo ardayda ka yar 5 sano pre-K sannad dugsiyeedkan, iyo go’aanka gobolka ee ah in laga rabo degmo kasta inay bixiyaan pre-K illaa sannadka 2023-2024. Go’aannadaani waxay muujinayaan sababta aan ugu taxadarinayno inaan codkeenna dhiibno.
Sababtoo ah muhaajiriin badan ayaa ku soo koray xukun dulmibadan, oo waxaa laga yaabaa inay la kulmaan qalalaase ama rabshado iyo cadaadis la xiriira doorashooyinka waddankooda ka socda, waxaa laga yaabaa inay dareemaan xoogaa walwal ah xilliyada doorashada ee Maine. Waa inay ku kalsoonaadaan inay doorashadu nabad noqon doonto, kaqeybgalkuna waa ammaan.
Waa wax dhiirigelin leh in la arko sagaal murashax oo ka soo jeeda bulshada soogalootiga ah oo u tartamaya xafiiska loo doortay guddiyada iskuulka iyo goleyaasha magaalada ee Maine. Tani waa astaan cad in soogalootigu ay rabaan inay qaataan dimuqraadiyadda oo door muhiim ah ka ciyaaraan nidaamka go’aan qaadashada ee gobolka.
Hoggaamiyeyaashu waxay leeyihiin awood iyo iskuday ay ku badbaadin karaan ama ku burburin karaan bulshadeena. Waa waajib na saaran inaan la hawl galno hogaamiyayaashan sida ay u miisaamayaan go’aanada – sidoo kalena aan ugu codeeyno kuwa ugu fiican.
.
Awoodda codkeenna Yaan dooranaa Noofembar 5 si uu noo hoggaamiyo?
